baseurl ?>/templates/rhuk_milkyway/css/ieonly.css" rel="stylesheet" type="text/css" />
• GUDDIGA DASTUURKA OO DHALEECEYSAY GO’AANKII XUKUUMADD
Guddiga Dastuurka Qaranka ee Madaxa Bannaani wuxuu si culus u dhaleeceynayaa go’amaddii sharci darada ahaa ee ka soo baxay kalfadhigii Golaha Wasiirada DKM Axaddii, 11/09/2011; go’aamadaasoo meel ka dhac weyn ku ah xilalka dastuur sameynta ee Axdi Qarameedu ku aaminay gacanta Guddida Madaxa Banna iyo go’aanaddii Shirkii Wada Tashiga qaran ee  Dhinacyada Siyaasadeed ee Soomaalidu ku yeesheen Muqdisho 04-06/09/2011.
Go laha Wasiiradu waxay ku tunteen qoddobada Axdiga ku Meel Gaarka oo ay ka mid:
  • Qoddobka 11aad (5) iyo (6) eeAxdiga ku Meel Gaarka ah ee soo baxay Feb. 2004 iyo Shuruucda ka soo baxday Baarlamaanka ku Meel Gaarka ah ee la xidhiidha xilka Guddiga Dastuur Sameynta ee Madaxa Bannan.
Sidaa daraadeed, iyadoo la dhowrayo Axdi Qarameedka iyo shurucda dalka iyo dhaqanka dastuuriga ee ee lama huraanka ah in Soomaalidu barato, waxaanu ugu baaqeynaa Xukkumadda in aanay iyadu horsed ka noqonta jebinta  sharciyadda ee ay tusaale wanaagsan oo sharci dhowris ah u noqdaan ummadda Soomaaliyeed.

Waxaanu soo dhoweyneynaa in Guddi khubaro  Soomaaliyeed ah oo taageerta Guddiga Madaxa bannaan la magcaabo si loogu dhammeys tiro dastuurka xilliggii loogu tala galay.
Waxaanu rajeyneynaa in Golaha wasiiradu si degdeg ah uga noqdaan go’aanadaa ay soo sareen, si aan loo gelin xaalad dastuur oo cakiran (Constitutional Crisis) taasoo halis  aan la qiyaasi Karin horseedi karta.

Wixii warar ah ee dheeraad ah waaxaad kala xidhiidhaa Goobta ‘Internet’ka ee Guddiga Dastuur Sameynta: www.datuur.org ama kala xidhiidh Guddoomiyaha Guddigaa: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it iyo tilifoonka: +254 721624425.
 

Codkaaga?
Ma sugnaa in kooxaha, beelaha iyo shakhsiyaadkuba (kuwaasoo ay ku jiraan dumarka, dadka laxaadka la’, waayeelka iyo da’ yartuba) ay dhammaan dareemaan in Soomaaliya isku si looga qaddariyo?
 

Noo sheeg sababta
Akhriso Wararka Fariinta Qoraalka ee Tilifoonka ee Qabyo Qoraalka la Tashiga ee Dastuurka:
  Mobile
Ku qor Lambarkaaga 'mobile'ka oo summadda dalka iyo degaanku la socdo, tusaale 25295556666
 
  Name
 
 
mod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_counter
Ogeysiisyada Dastuurka ee 'TV' ga Qaybo dheeraad ah

Launch CDC

Soomaaliya kale ayaa suuragal ah, taageer dastuurka.



Shareecadu waa dastuurkeena



Maa shiraa, ma showraa, sharci adag ma dhiganaa